Sunday May 19th, 2013
HADII AAD BOOQANEYSO SOMALILAND SII KAXEYSO LABA QOF OO CADAAN AH SI AAD ULA KULANTO MADAXWEYNAHA
  Thursday May 03, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaan doonaya in aan u sheego dadka reer somaliland ee doonaya in ay samester ku booqdaan wadankii hooyo waxaan kula talin laha in ay mashruux yar oo been abuur ah sii sameystaan laba qof oo cadaan ah oo ay classmate ahaayeena sii kaxaystaan dabadeed




Waxaan doonaya in aan u sheego dadka reer somaliland ee doonaya in ay samester ku booqdaan wadankii hooyo waxaan kula talin laha in ay mashruux yar oo been abuur ah sii sameystaan laba qof oo cadaan ah oo ay classmate ahaayeena sii kaxaystaan dabadeed inta anaay dhoofina warbaahinta la sii kulmaan sii loo sii ogaado in ay imanayaan, mashruucana wanaagsana sii diyaarsadaan kaasoo laga fulinayo somaliland markaa waxaa si sahal ah aad ugu soo raaxeysanaysaan somalialnd idinkoo la soo kulmaya madaxda kala duwan ee somaliland ilaa heer madaxweyne wax lacag ah oo ka baxayana ma jirto waliba party to party ka bixi maysid madaxda somaliland o dhan baa ku qaabileysa ileyn mashruux baad sidaaye.

Waxaanad ogaataan somaliland dadkeedu inay yihiin dad u duleysan cadaanka iyo dadka qurbaha ka yimaadda waxay moodayaana wixii soo dagaba in ay sidaan maalkii nabi suleymaan naxariisi korkiisa ha ahaatee.

maqaalka dulucdiisa hadaan u soo noqdo waxaa igu kalifay waxaan la yaabay gabdha lagu magacaabo ifrax kirix e sheegatay xildhibaanad golaha deegaanka JÖnköping in aanay waxba ka jirin xilka ay sheegatay waana been aan sal iyo raad lahayn , gabdhan waxay madax ka tahay urur NGO ka dhisan magaaladan Jönköping ururkaasoo la dagaalama gudniinka fircooniga ah.

Anigu qudheeda ayaa qurbaha ku nool gaar ahaan sweden , kolayba waxaanu dhaqanoo ah qolyahayaga qurbaha ku nool marka aanu daalno ee stereska nagu bato in aanu mashruuc yar sameysano , noocuu doono ha noqdee laba ama sadex qof oo cad oo swedish ah raadsano kamaradano qaadano ka dibna booqasho ku tagno somaliland ma shaki baa ku jira in aanu ilaa siilaanyo la kulmeyno maya shaki kuma jiro waayo tan somaliland tan baaba iska ah cadaan caabud wixii cad cad ee u tagaba wasiir baa so dhaweynaya oo ku casuumaya lacagta yar ee canshuurta ah ee laga qaado islaanta cadceeda fadhida ee tamaandhada iibisa illaahay baana og xaalkiisa kan cad ee la soo dhaweynayo biluu nolosha ka dhacay.
walaahi waxana cadeynayaa anigoo aanay iga ahayn fadeexcad qof bini aadan ah aan u geysanayo hadana wadankeyga wana jecelahay ma doonayo wixii sumcadiisa hoos u dhigaya in ana daawado
Gabdhan ifrax kirix la yidhahado iyo labadan nin ee wariyaha ah ee la socda dhamaantood waa been abuur sadexda qof aqoon baan u leeyahay , koow gabdha waa xubin ka mid ah oo taageero xisbiga socialka e swdeden , labada nin ee la socdana waa laba nin oo hore uga shaqeyn jiray idaacada lokal ah oo jönköping ka jirta mudo shaqo la'aan bay ahaayeen mashruucan gudniinka lagula dagaalamayo ayay ku qaateen mashruuc markaa somaliland waxay u tagen just sameyster iyo dal barasho u jeedadooduna waxa weeyaan in aay soo baadhaan wixii ay soo baadhan karaan, hadhowna marka ay sweden ku soo noqdaan ayey ku sheekeysanayaan ilaa madaxweynihii baa na soo dhaweeyey isagoo na moodaya in uu na soo diray raiisal wasaaraha sweden wa ayaab, maxaa somaliland ta iyo madaxdeyda raqiiska ka dhigay anigu yaabay.

Waliba ninka muwaadinka ah ee waligii aan dhaafin somaliland ee aqoonta iyo maskaxda leh lagama yaabo inuu la kulmo siilanayo iyo mid u dhow laakiin qofka ku saaqiday qurbaha laba sirkhaan oo cadaan ahna wata walee somaliland oo dhan baa soo dhaweyneysa wixii intaa dheer dadka ayaan u deynayaa, ciyaartu weli ma dhamaan qaar badan baa soo socda oo ku soo jeeda somaliland iyaga iyo cadaankooda bal weynu eegnaa waxaad ka yeeshaan.

by canab odowaa
COMMENTS (0) « Prev  
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
WARARKII U DANBEEYAY