Sunday May 19th, 2013
MADAXWEYNE AXMED SILAANYO OO MAANTA MAGAACABAY SHAN AGAASIME GUUD IYO ISKO SHAANDHAYN QAAR KALE
  Monday June 18, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Magacaabay shan agaasime guud oo ka tirsan xukuumaddiisa, sidoo kalena waxa uu isku bedal ku sameeyay Laba agaasime guud.




Hargeisa (BurcoOnline) 18.06.2012 Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Magacaabay shan agaasime guud oo ka tirsan xukuumaddiisa, sidoo kalena waxa uu isku bedal ku sameeyay Laba agaasime guud.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu magacaabay agaasimayaasha Wasaaradaha Maaliyadda, Arimaha gudaha, arimaha dibada, Maareeyaha Mucaawinooyinka WFP, isaga oo sidoo kalena Agaasimihii wasaarada warfaafinta u bedalay wasaarada arimaha dibada, halka uu wasaarada warfaafintana u magacaabay agaasime cusub.

War-saxaafadeedka lagu shaaciyey xilalkan uu Magaacaabay Madaxwayne Siilaanyo oo afar ka mid ahi yihiin agaasimayaal buuxinaya xilal hore u banaanaa ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala ah:-

Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

Wuxuu go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.


NO

MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB

WASAARADDA LOO MAGACAABAY

XILKA LOO MAGACAABAY

1

Faysal Cali Sheekh

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Agaasime Guud

2

Axmed Cumar Faahiye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Agaasime Guud

3

Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Agaasime Guud

4

Saleebaan Jaamac Diiriye

Wasaaradda Maaliyadda

Agaasime Guud

5

Cabdirashiid Jibriil Yoonis

Warfaafinta iyo Wacyigelinta

Agaasime Guud

6

Mudane, Maxamed Daahir Axmed

Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP

Maareeye

Ujeedo: Xilka Qaadis:-

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency).

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
WARARKII U DANBEEYAY