Muqdisho(BON) 23.06.2012 Shirkada Caalamiga ah ee Dahabshiil Group ayaa iibsatay lana wareegtay mulkiga Shirkada Telecom sida ay sheegayaan wararku.
Wadahadalo qaatay dhowr bilood oo u socday masuuliyiinta shirkadaha
Dahabshiil iyo Telcom Somalia ayaa la soo afmeeray iyadoo ugu dambeyntii
shirkadda Dahabshiil oo horey u lahayd Bangi iyo Xawaalad ay iibsatay
dhamaan saamiyadii shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia.
Saraakiil ka tirsan labada dhinac oo wada hadalo kulahaa Nairobi iyo
Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in wixii hadda ka dambeeya mulkiilaha
Dahabshiil uu leeyahay shirkadda Telcom Somalia oo xarunteeda weyn ay ku
taallo magaalada Muqdisho.
Wadahadalku wuxuu ka dambeeyay hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn oo
ku dhacay shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia oo beri ahaan jirtay
shirkadda labaad ee ugu baaxada weyn dalka, hase yeeshee illaa lixdii
sano ee la soo dhaafay lumineysay macaamiil fara badan.
Tartanka cusub ee isgaarsiinta
Durba markii ay si rasmi ah shirkadda Dahabshiil ula wareegtay
shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia waxaa la furay khadka gudaha
(local) ee isgaarsiinta Telcom Somalia kaasoo dadweynaha u suurtagaliyey
in gudaha Soomaaliya oo dhan ay si lacag la’aan ah ama bilaash ay isku
wacaan, taasoo keentay in macaamiil hore u heysatay adeega telefoonka
gacanta (mobile) ee shirkadaasi ay dib hawada ugu soo laabtaan.
Sidoo kale waxay Dahabshiil bilawday dib u habeyn balaaran oo lagu
sameynayo adeegyada ay bixiso Telcom Somalia oo hadda xarumo ku leh
Puntland iyo Somaliland, waxaana adeegyadaasi ku jiri doona kuwo toos
isugu xiri doona adeegyada bangiga Dahabshiil bixiyo iyo kuwa
isgaarsiineed ee macaamiisha ay ka helaan Telcom Somalia.
Warar ku dhow maamulka cusub ee shirkadda Telcom Somalia ayaa
sheegaya in sidoo kale la fasaxay shaqaalihii hore ee shirkaasi isla
markaana Dahabshiil ay warbaahinta ka siideysay xayeysiin sheegeysa inay
qaadaneyso shaqaale cusub oo lagu xulanayo aqoonta iyo waaya
araganimada ay leeyihiin. Dhanka saamiyada shirkadda ayaa la xadidi
doonaa oo ku koobnaan doona kaliya milkiyada Dahabshiil si la mid ah
shirkadda kale ee ay Dahabshiil leedahay ee lagu magacaabo SomTel oo
fadhigeedu yahay Hargeysa.
Waxay arintan saameyn la dareemi karo markiiba ku yeelatay saddexda
shitkadood ee kale ee ka hawlgala koonfurta Soomaaliya ee kala ah
Hormuud, Nationlink iyo Samafone oo dhamaantood bilaabay sidii ay
gaashaan isaga dhigi lahaayeen tartanka xajmiga weyn ee ka soo fool leh
Telcom Somalia.
Dad badan oo ka hadla arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa sheegaya
in Soomaaliya sanadkan ay galeyso tartankii ugu adkaa ee dhanka
isgaarsiinta kaasoo intiisa badan ku saleysnaan doona qiimaha ama waxa
loo yaqaamo “price war” oo ah dagaal ku saleysan qiimaha adeegyada lagu
iibiyo iyo tayada adeegyada isgaarsiineed ee shirkad kasta dadweynaha u
soo bandhigeyso.
Soomaaliya oo mudo ka badan 21 sano aan lahayn xukuumad dhexe oo
sharciga ilaalisa ayaa haddana dhanka kale ku guuleysatay inay noqoto
mid ka mid ah wadamada Afrika ugu isgarsiinta wanaagsan dhanka tayada
iyo qiimaha oo ah midka ugu jaban caalamka oo dhan taasoo ku timid
qiimaha lagu tartamo iyo tirada shirkadaha isgaarsiineed ee gaarka loo
leeyahay oo sii kordhayey. Waxaa kaloo maalgaliyaasha shirkadaha
isgaarsiinta lagu amaanaa inay shaqaaleysiiyeen kumamaan ruux oo
Soomaali ah xilli dalku uusan lahayn wakaalado shaqo bixiya.
Laakiin dadka wax dhaliila waxay dhanka kale sheegaan in ganacsatada
iska leh shirkadaha isgaarsiinta ay ka faa’ideysteen dawlad la’aanta
dalka iyagoo ay u baaqatay malaayiin doolar oo canshuur ahaan uga bixi
lahaa haddii xukuumad dhexe oo shaqeyneysa ay jiri lahayd.
Xigasho
RBC Radio