London (BurcoOnline) 20.07.2012 Waxa Maanta La isko Jabiyaya Data baseka Shirkada Weyn ee Dahabshiil company ama Serverka haya Dhamaan Kaydka Lacagta iyo Dirista ay shirkada Dhami Ku Shaqeyso Tan uu Xanibtay Maanta Shaqadi Dahabshiil, iyado aan ila hadda la xalin dhibaatada Lagu sameeyay Shirkadaasi.. waxa iyana ka muuqata Shabakada ay Ku Leeyhin Internetka ee www.Dahabshiil.co.uk inay Jabsadeen Hacker Loo Yaqaan Anonymos, iyago Data Baseki Shirkada Dahabshiil Dhamaan Dibedda soo dhhigay Ila hadda Shirkada Dahabshiiil Kama Hadlin Dhibaatadan la soo Gaadhsiiyay.
Waxa Iyana Hacke'kan Loo Yaqaan Anonymos Hackers Jabsadeen ila 3 Banki oo qaarkood laga Leeyahay Wadamada Europe iyago Tuugtani ah Tuug Farsamada Baananka Loo dhaca Ku Caan Baxeen.
Shirkada Dahabshiil oo ka Mid ah Shirkadaha Ugu weyn Geeska Africa, Xagga Kalena ku shaqeyso Hab Banki, aya Tani Noqonaysa Hackingi ugu Xuma ee Loo Geysto Shirkadan, iyado Dhamaan Data Baseki Ummada Lacagta dhigatay iyo Magacyadoodi iyo Magaalooyinkay Joogen Dadki Loo soo Bandhigay.